Israel: in ka badan 300 oo ku geeriyootay Dagaalka wali socda.

Image

QASSA - Xukuumada Israel ayaa ku dhawaaqday dad ka badan 300 oo qof oo Yahuud ah ay ku geeriyooday dagaalka wali socda ee xoogaga iska caabinta Falastiiniyiintu ay ugu magac dareen, Duufaanta Al-Aqsa.

Ra'iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaal ay ku jiraan isla markaana ay tahay maalin ku adag dhankooda isaga oo yiri" Falastiiniyiintu waxaa ay doonayaan in ay na dilaan".

Falanqeeyayaasha ayaa qiyaasaya in khasaaruhu uu sii badan doono iyada oo xoogaga Falastiiniyiintu ay sheegeen in ay qabteen maxaabiis faro badan oo isugu jira ciidamada iyo rayid.

Dowladaha Bariga dhexe ayaa ugu baaqay in xaalada ay dejiyaan labada dhinac marka laga reebo Qadar oo iyadu eeda dusha ka saartay Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM