Israel oo derbi ka dhisaysa xadka Urdun

Image

AMMAN, Urdon - Ra'iisul wasaaraha dalka Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu silig ama teed ka dhisi doono xuduudka uu la wadaago Urdun.

Isaga oo hadlaya ayuu yiri " waxaan ka dhiseyna teed lamid ah kan Masar si aan uga hortagno soo dhuumashada".

Arintaan ayaa loo aanaynayaa walaaca ay Israel ka qabto in ay sugto Amniga gudaha.

Dhawaan ayay ahayd markii Askari u dhashay Masar uu toogtay in ka badan 3 Askar Yahuud ah dhanka xadka gobalka Siinaay kuwaasi oo uu kujiray Sarkaal sare.

Arintaan ayaa hurin karta muranka dhanka Xuduuda ee u dhaxeeya Israel iyo Urdun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM