Israel oo Gaza ku wareejin doonto Mareykanka

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii shalay sheegay in Israel ay Gaza ku wareejin doonto Mareykanka marka dagaalka Hamas la soo afjaro.

Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aan looga baahnaan doonin Gaza. Hadalkan ayuu ku soo qoray bartiisa Truth Social.

Trump wuxuu horey u soo jeediyay in Mareykanka la wareego Gaza, oo ah dhul xeebeed ku yaalla bariga Badda Mediterranean-ka.

Trump ayaa sheegay in in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo Gaza ku nool "la dejin doono goobo ammaan ah oo cusub, oo leh guryo casri ah."

Lama caddayn in dadkaasi lagu deyn doono Gaza ama dalal kale oo aan weli oggolaan in ay martigeliyaan.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM