Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Image

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran TEL AVIV — Mas’uuliyiin Israeli ah ayaa u digay dowladda Mareykanka in tijaabo gantaallo oo dhawaan ay ku dhaqaaqday Ciidanka ilaalada kacaanka (IRGC) ay u adeegsan karto weerar lama filaan ah oo ka dhan ah Israel. Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

Taliyaha Ciidanka Israel, Jeneraal Eyal Zamir, ayaa la soo sheegay inuu arrintan uga digay madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), Admiral Brad Cooper, isagoo sheegay in dhaqdhaqaaqyada milatari ee Iran ay u muuqdaan kuwo ka baxsan caadiga. Waxa uu sidoo kale ku booriyay labada dal inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo xoojiyo diyaar-garowga difaaca ah.

Ilo wareedyo Israeli ah ayaa tilmaamay in sirdoonka la ururiyey uu muujinayo dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka socda gudaha Iran, balse laga cabsi qabo in falcelin khaldan ay keento isku dhac baaxad leh, gaar ahaan iyadoo xasaasiyadda amni ee gobolka ay kordhay tan iyo weerarkii Hamas ee 7-kii Oktoobar 2023.

Mas’uuliyiinta Israeli-ga ayaa sheegay in fursadda weerar Iran laga filan karo ay ka hooseyso 50%, balse ay jirto cabsi laga qabo in khalad xisaabeed ama faham darro keento dagaal aan la rabin. Maraykanka dhinaciisa, sirdoonka ayaa sheegay inuusan helin wax tilmaamaya weerar soo socda oo dhakhso ah.

Kulanka ayaa imanaya iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu qorsheynayo inuu la kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhamaadka bishan si looga wada hadlo arrimaha ku saabsan dhismaha barnaamijka gantaallada Iran iyo suurtogalnimada tallaabooyin milatari dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM