Israel oo looga baqayo in uu ka dhaco dagaal Sokeeye

Image

TEL AVIV, Israel - Dadwaynaha Yuhuuda ayaa sii wada dibad-baxyada ay uga soo horjeedaan isbedelo lagu sameeyo awoodaha garsoorka dalkaas.

In ka badan kun oo kamid ahaa ciidamada keydka ah ee Cirka ayaa sheegay in ay isaga tageen shaqada.

Inta badan Gudoomiyayaasha jaamacaddaha Israel ayaa iyana ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabeen iyaga oo ka caraysan awoodaha Garsoorka ee hoos loo dhigayo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Israel ay ka dhex bilaabatay amar diido isla markaana ciidamada qaybtood ay kasoo horjeedaan tilaabooyinka Xukuumada.

Shacabka Yuhuuda oo hubeysan ayaa laga baqayaa in uu ka dhex qarxo dagaal sokeeye walaw ay arintaasi in ay soo deg-degto meesha ka saareen khubarada ku xeel-dheer arimaha Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM