Israel oo markale weerari doonta Iran

Image

Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii uu socday kulankoodii Aqalka Cad ee toddobaadkan, in Israa'iil ay mar kale weerari doonto Iran haddii Tehran ay dib u bilowdo dadaalka ay ku horumarinayso hubka nukliyeerka, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay habeenkii Jimcaha ee The Wall Street Journal.

Saraakiisha sarsare ee labada dal ayaa sheegay in Trump uu muujiyay sida uu u jecel yahay in xal diblumaasiyadeed la gaaro, balse si toos ah ugamuu diidin digniinta Netanyahu.

Netanyahu ayaa hoosta ka xariiqay xisaabaadka kala duwan ee u dhexeeya Israa'iil, Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan baaxadda waxyeellada barnaamijka Nukliyeerka Iran ee hawlgalladii milatari ee ugu dambeeyay.

Iyadoo Trump uu weli doonayo inuu ka wada xaajoodo heshiis ku qasbaya Iran inay ka baxdo hammigeeda nukliyeerka, saraakiisha Israa'iil waxay shaki ka qabaan in dublamaasiyadu ka hor istaagi karto Tehran inay si qarsoodi ah u horumariso barnaamijkeeda hubka.

Dhanka kale, Iran ayaa lagu soo waramayaa inay dalbatay dammaanad ah inaan mar kale la weerari doonin, taasoo shardi u ah inay dib ugu laabato wadahadalka ay kula jirto Washington.

Sarkaal sare oo ka tirsan Israel ayaa u sheegay jariirada in Israa’iil aysan qasab ku ahayn inay weydiisato ogolaansho cad Mareykanka ka hor inta aysan qaadin weerar kale balse waxa uu qiray Netanyahu inuu wajihi doono mucaaradnimada kaga timaada Trump.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in Iran ay soo food saartay khatar weyn haddii madaxdeedu ay sii wadaan diidmada dalabka Trump ee ah in la joojiyo tayeynta Uranium-ka iyo dib u bilaabista horumarinta Nukliyeerka.

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

Si kastaba ha ahaatee, uranium-ka la hodmay ee xarunta Isfahan ee Iran ayaa u muuqata mid ka badbaaday weerarradaas oo laga yaabo in laga soo kabsado, sarkaal sare oo Israa'iil ah ayaa sidaas yiri.

Sarkaalka Israel ayaa xusay in Israel ay sii wadi karto dib u dhigista horumarinta Nukliyeerka ee Iran iyada oo loo marayo hawlgalo qarsoodi ah oo ay ku jiraan dilalkii saynisyahanada nukliyeerka iyo madaxda sare ee taliska.

Dhinaca kale, sawirro laga qaaday dayax-gacmeedka oo ay falanqeysay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa muujinaya in weerarka Iiraan ay ku qaadday saldhigga ciidammada cirka ee Qatar oo fure u ah millatariga Maraykanka uu haleelay dhismo qubbad geodesic ah oo ay Maraykanku u isticmaali jireen isgaadhsiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM