Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Image

WASHINGTON — Israel ayaa u muuqata inay si dhab ah isugu diyaarinayso weerar toos ah oo ka dhan ah Iran, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, isla markaana dib u dhigto ama burburiso dadaallada ay xukuumadda Trump wado si loo gaaro heshiis lagu joojinayo barnaamijka nukliyeerka Iran.

Cabsida laga qabo weerar Israel ka fuliso Iran iyo jawaab-celin militari oo Iran ay qaaddo ayaa sababtay in Maraykanku Arbacadii kala baxo diblomaasiyiinta qaar ee ku sugan Ciraaq, isagoo sidoo kale oggolaaday in si ikhtiyaari ah looga saaro xubnaha qoysaska ciidanka Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.

Illaa hadda lama oga heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowga Israel ee weerarkan, balse xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib bilo uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu cadaadis saarayay Madaxweyne Donald Trump si uu uga faa’iidaysto fursad uu ku sheegay “daciifnimo” ka muuqata Iran.

Bishii hore, Madaxweyne Trump ayaa horay u diiday qorshe kale oo Israel ku doonaysay inay ku qaaddo Iran, isagoo sheegay inuu doonayo inuu fursad siiyo wadahadal diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo awoodda Iran u leedahay samaynta hubka nukliyeerka.

Laba toddobaad ka hor, Trump ayaa sheegay inuu si cad ugu digay Netanyahu inaysan weerar qaadin inta wadahadallada Mareykanka iyo Iran ay socdaan.

Haddii weerarkan uu rumoobo, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu khatarta badan ee gobolka ka dhaca sannadihii u dambeeyay, taasoo dhaawici karta dadaallada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM