Israel oo xasuuq hor leh ka geysatay Gaza

Image

QASA (GO) - Israel ayaa Xasuuq ka geysatay deegaanka Jabalia ee bariga Gaza.

Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay ka badan tahay 400 oo qof iyada oo dhaawucuna intaasi ka badan yahay.

Isbitaal ay maalgeliso dowlada Indonesia oo halkaasi u dhaw ayay ku dhaceen culeysyada ugu badan.

Duqeymahan ayaa imaanaya iyada oo horey ay sidoo kale Israel u duqeysay isbitaalki Mucamadaani kaasi oo dad kun qof ku dhaw ku le'deen.

Dowladaha galbeedka ayaa culeysyo kala kulmaya muwaadiniintooda iyaga oo ku dhaliilaya mawqifka ay Gaza iska taageen.

Dowlada Columbia ayaa iyadu u yeeratay safiirkeeda iyada oo sheegtay in aanay si eegan karin waxa lagu samaynayo rayidka Gaza ku go'doonsan.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM