Israel oo xoojisay duqeymo ay ka fulineyso Lubnaan

Image

TEL AVIV, Israel — Israel ayaa maanta sii xoojisay duqeymo cirka ah oo ay ku qaaday dalka Lubanaan, ayada oo sheegtay inay ka jawaabeyso gantaallo halkaas looga soo tuuray toddobaadkan.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ay weerareen goobo gantaallada looga soo tuuray dhowrkii maalmood ee tegay, iyo goobo cusub oo horey Israel looga soo weeraray.

Ciidamada ayaa ku eedeeyey dowladda Lubnaan weerarka, waxayna ka digeen “Isku dayo kale oo lagu waxyeeleynayo shacabka iyo madax-banaanida Israel.”

Weerarada cusub oo xaaladda kasii daraya ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan. Dowladda isbaheysiga ah ee Israel oo ka kooban sideed xisbi ayaa isku dayeysa inay ilaaliso xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo lala galay kooxda Xamas ee maamusha Gaza, taasi oo soo geba-gebeysay dagaal socday 11 maalmood, bishii May.

Dhowr dhacdo oo ka horeeyey gantaallada toddobaadkan laga soo tuuray Lubnaan ayaa diiradda saaraya xuduudda waqooyi ee Israel, islamarkaana Mareykanka ayaa si deg deg ah u cambaareeyey weerarada lagu soo qaaday Israel.

Taleefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Xizbullah ayaa weriyey duqeymaha Israel, qiyaastii 2:00 AM, wuxuuna intaas ku daray inay ku dhaceen goob banaan oo ku taalla xaafadda Mahmoudiya ee degmada Marjayoun.

Avichai Adraee, oo ah afhayeenka luuqadda Carabiga ku hadlay ee ciidamada Israel, ayaa sheegay in dowladda Lubnaan ay mas’uul ka tahay waxa ka dhacaya dhulkeeda, wuxuuna ka digay weeraro kale oo Israel looga soo qaado Koonfurrta Lubnaan.

AP + VOA

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM