Israel: Tehran way gubi doontaa haddii ay Iran sii waddo weerarada Gantaallada

Image

Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Israel Katz, ayaa Sabtidii ku hanjabay in caasimadda Iiraan ee Tehran ay gubi doonto haddii Iiraan ay sii waddo in ay gantaallo ku soo ridayso Israel, kaddib markii ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen oo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ka dhacay subaxnimadii Sabtida.

Weerarradan ayaa yimid kaddib markii Israel ay si kulul u qaaday weerarro ka dhan ah xarumaha muhiimka ah ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo ciidamada milatariga Iiraan.

Kaddib kulan qiimeyn ah oo uu la yeeshay taliyaha guud ee ciidanka Israel, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Iiraan ay qaadi doonto cawaaqib culus haddii ay sii wado dhaawaca muwaadiniinta Israeli ah. Katz ayaa si toos ah u xusay: “Haddii (Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali) Khamenei uu sii wado in uu gantaallo ku soo rido gudaha Israel — Tehran way gubi doontaa.”

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa internet-ka ku soo warramay in nidaamyada difaaca cirka ay rasaas ka fureen magaalooyinka Khorramabad, Kermanshah iyo Tabriz, taasoo muujinaysa in laga yaabo in weerar cusub oo Israel ka dhan ah Iiraan uu bilaabanayo. Muuqaallo laga soo duubay Tabriz ayaa muujinaya qiiq madow oo ka soo baxaya magaalada, sida lagu arkay muuqaal ay soo dhigeen ilo la xiriira telefishinka dowladda Iiraan.

Weerarka Israel ayaa ku dhacay xarumo muhiim ah oo ay ku jiraan saldhigyo militari, iyadoo la isticmaalay diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn (drones) oo si qarsoodi ah loo geliyay dalka Iiraan, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Weerarradaasi ayaa sidoo kale lagu dilay saraakiil sare iyo saynisyahanno muhiim ah oo Iiraan ka tirsanaa.

Wakiilka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarradan ay ku dhinteen 78 qof, isla markaana in ka badan 320 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiisadda milatari ee ka taagan gobolka ayaa sii xumaanaysa iyadoo labada dhinac ay isugu jiraa weerarro iyo hanjabaado culus, waxaana xaaladdu u muuqataa mid sii adkaanaysa mustaqbalka dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM