Israel: Waxaan galaynaa gudaha Gaza

Image

GAZA (GO) - Wasiirka Difaaca ee Israel, Yoav Gallant ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay ka dagaalamayaan hareeraha iyo gudaha Gaza isla markaana ay soo socdaan maalmo adag.

" Qiime ayaan ku bixin doonaa khasaarena waa uu jiri doonaa mana jirto Guul lagu gaaro iyada oo aan qiime ku kicin" ayuu ku yiri shirkiisa jaraaid.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyada oo gudaha Israel ay ka socdaan dibad-baxyo lagu dalbanayo in la qaato xabad joojin si loosoo badbaadiyo la haysatayaasha tirada badan ee Xamaas ay gacanta ku dhigtay Hawlgalkii 07 Oct.

Israel ayaa sii laba jibaartay duqeymaha bahalnimo ee ay ka gaysanayso marinka Gaza iyada oo isgaarsiinti ay ka go'antahay taasi oo keentay in Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ay shaqadooda gabaabsi noqoto isla markaana meydadka iyo dhaawacyada garbaha lagu soo guro.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM