Itoobiya oo Saami dhaqaale laga siinayo Dekadda Jabuuti

Image

JABUUTI - Dowladda Itoobiya ayaa saami dhaqaale laga siiyay Dekedda Doroolle ee dalka Jabuuti, oo muhiim u ah marinkeeda Ganacsiga kadib heshiis cusub oo ay kala saxiixdeen labada dowaladood.

Wakaaladda wararka Itoobiya [Ethiopian News Agency], ayaa baahisay in heshiiska uu yimid kadib booqasho labo maalmood oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ku tagey dalka Jabuuti.

Heshiiskan cusub ayaa u ogolaanaya Shirkadaha Ganacsiga Itoobiya inay maalgashi ku sameystaan Dekedda Kunteenarada Doraalle, oo horey gacanta ugu haysay Shirkadda DP World balse laga qaadey markii ay is-khilaafeen dowladda Jabuuti.

Dowladda Dubai oo leh Shirkadda DP World ayaa kahor timid go'aankii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga baxay heshiiska uu uga baxay, waxayna dacwad u gudbisay Maxkamad caalami ah. Halkan ka akhri. 

Jabuuti ayaa wixii markaasi ka dambeeyay raadinaysay maalgashi dibadda ah, maadaama Dekeddu ay tahay isheeda dhaqaalaha ugu weyn, iyadoo dalkaasi ku yaalla badda Cas ay saldhigyo military ku leeyihiin Mareykanka, Faransiiska, Japan iyo China.

Ma cadda wali qiimaha saamiga dhaqaalah ee Itoobiya ku yeelanayso Dekedda Doraalle.

"Gudi isku-dhaf ah oo Heer Wasiirro ah ayaa kulan ka yeelan doono dhamasytirka Heshiiska, kaasi oo ka shaqeyn hergelinta Mashruuc iyo saamiga dhaqaale ee Itoobiya," ayuu yiri Sarkaal katirsan dowladda Itoobiya oo la hadlay ENA.

Dekedda Jabuuti ayaa laga soo dejiyaa 95% Ganacsiga caalamka uga yimaada Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu shacabka badan Africa, sidoo kalena ah midka ugu dhaqaalaha badan Geeska Africa.

Dowladda Itoobiya ayaa saami gaaraya 19% ku leh Dekedda Berbera ee maamulka Somaliland, kadib heshiis saddex geesood ah oo horaantii sanadkan Dubia ku wada saxiixdeen DP World, Somaliland iyo Itoobiya.

DP World helaysa 51% dhaqaalah kasoo xarooda Dekedda Berbera, iyadoo inta hartay ee 30% ay Somaliland leedahay.

Shirkadaha laga leeyahay Itoobiya ee Malagashiga ku sameysan doono Jabuuti waxaa kamid ah Shirkadda Korontada iyo Isgaarsiinta [Ethiopian Electric Power and Ethio Telecom].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM