Dowladda Dubai oo kahor timid go'aankii Jabuuti

Image

UAE - Dowladda Dubai ayaa war qoraal ah kasoo saartey go'aankii dowladda Jabuuti ay ku joojisay Heshiiskii Shirkadeeda DP World ay ku maamulaysay Dekedda Doraale qeybta Kunteenarada.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in mowqifka dowladda Jabuuti uu yahay midka Sharci darro ah, islamarkaana aan la aqbali karin.

Dowladda Dubai ayaa waxay kaloo sheegtay in dacwad ka dhan ah qaraarka ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Dhex-dhexaadinta fadhigeedu yahay magaalada London.

DP World oo soo maamulaysay Dekedda Doraale mudo 18 sano ayaa sheegtay inay maalgashi xoogan ku sameysay Dekedda, islamarkaana ka dhigtay mida ugu weyn Bariga Africa, iyadoo boqolaal Milyan oo Dollar oo faa'ido ah uga soo saartey dowladda Jabuuti.

Qoraalka dowladda Dubai ayaa loogu baaqay Jabuuti inay ka laabato go'aanka sharci darrada ah, islamarkaana ay sii wado wadashaqeynta kala dhaxaysay DP World.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Khamiistii (21-ka Febuary) ayaa lagu shaaciyay inay dowladda dalkaasi ka baxday si iskeeda ah Heshiiskii DP World kadib markii xal loo waayay muran soo jiitamayay tan iyo 2012 xal loo waayay kaaso oo aysan sheegin waxa uu ku qotamo.

Eeda Jabuuti u jeedisay DP World ayaa ah in Shirkaddan ay si sharci darro ah u bixisay lacago badan oo laaluush ah si ay ugu guuleysato Heshiis 50 sano ah oo ay ku maamulayso Dekedda Doraale.

Warka kasoo baxay dowladda Dubai waxa sidoo kale lagu sheegay in Jabuuti ay ka shaqeynaysay tan iyo December 2017 sidii ay ku joojin lahayd Heshiiska DP World, iyadoo dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo 21-ka bishan, waxaana taasi markii dhici waysay maalin kadibna soo baxay go'aanka Madaxweyne Geelle.

Bishii Febuary ee 2017, Maxkamadda qaabilsan Dhex-dheexinta oo dhageysatay dacwadda Jabuuti ayaa go'aamisay in DP World aysan ku kicin wax qalad ah ama dhaqan xumo wax u dhimaya Heshiiska labada dhinac.

DP World oo ah Shirkad Caalami ah oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa ay ku maamulayso Dekeda Berbera  kula jirta Somaliland, iyadoo Shirkadda kaloo ay leedahay oo lagu magacaabo P&O ports ay maamulayso Dekedda Boosaaso kadib markii heshiis ay la gashay dowladda Puntland.

Hoos ka akhri qoraalkii dolwada Dubai kasoo saartey go’aankii Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM