Xukuumadda Jabuuti oo ka hadashay rabshad dad ku dhinteen

Image

22 December, 2015(GO)-Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay dagaal shalay 21 December, dhexmaray ciidamada amniga dalkaas iyo koox Suufiyaal dhigayay xuska shiikh lagu magacaabo Yoonis Muuse.

Xukuumadda ayaa sheegtay in rabshadaas lagu dilay 7 ruux isla markaan lagu dhaawacay 23 qof rayid ah iyo 50 katirsan ciidamada ammaanka dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yusuf ayaa sheegay inay wanaagsantahay xaaladda caafimaad dadkii ku waxyeelloobay dagaalka, isagoo xusay in 17 ruux oo sideed ka mid ah katirsanyihiin ciidankooda ku jiraan cusbitalka.

Maxamud oo waraysi siiyay Wakaaladda wararka AFP, ayaa xaqiijiyay tirada dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in dad rayid ah soo weerareen ciidamadooda.

Arrintan waxaa si kaduwan uga hadlay mucaaradka Jabuuti iyo goob joogayaal ku sugnaa halka rabshaddu ka dhacday, waxayna sheegeen in dhimashadu gaarayso 19, weerarkana soo qaadeen ciidamada Boliiska dalkaasi.

Xaaladda magalada Caasimadda ah ee Jabuuti ayaa dagan, waxaana socda baaritaano dowladda sheegtay inay ku xaqiijinayso sida wax u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM