Japan: Dacwad lagu soo oogay nin sunta dooliga ku dilay gabadh

Image
Kazuki Miyamoto, oo 37-jir ah, ayaa waxaa loo haystaa dhimashada Hinako Hamano oo 21-jir ahayd.

TOKYO, Japan - Xeer-ilaalinta magaalada Osaka ee dalka Japan ayaa dacwad ku soo oogay nin lagu eedeeyay inuu dilay haweeney kadib markii uu ku qasbay in ay cabto sunta dooliga.

Kazuki Miyamoto, oo 37-jir ah, ayaa waxaa loo haystaa dhimashada Hinako Hamano oo 21-jir ahayd taas oo dhiganaysay Jaamacad bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay.

Thallium ayaa sidoo kale dhawaan laga helay haweeney qaraabo ah Hamano, taasoo koomo ku jirtay tan iyo 2020, sidda ay ku warantey warbaahinta maxalliga ah.

Kaliya 1 kiilo-garaam oo sunta dooliga ah ayaa waxay dili kartaa qof weyn. Taliska booliiska ayaa wali baaraya sababta ninkan u helay gabadha, iyo sida uu gacanta ugu dhigay suntan.

Sunta Dooliga ayaa aad loo xakameeyaa gudaha Japan wayna adag tahay in qof kasta helo. Inta badan, cilmi-baarayaasha ama shirkaduhu waxay ka iibsadaan ganacsiyo takhasus leh.

2015-kii, gabadh ardayad ka ahayd jaamacadda Nagoya ayaa lagu helay danbi ah inay isku dayday inay suntan ku disho laba arday oo ay isku fasal ahaayeen xilli ay ku jirtay dugsiga sare.

Kiimikadan ayaa la rumeysan yahay in kooxda Dawladda Islaamiga ah ee Daacish u isticmaasho in ay ku disho maxaabiista. Wadamada qaar, sida Mareykanka, ayaa horey u mamnuucay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM