Jarmalka oo ka careysan taageerada Qatar siiso Taliban

Image

BERLIN - Dowladda Jarmalka ayaa aad u cambaareysay taageeradda Qatar ay u fidisay Kooxda Taliban, oo dhawaan la wareegtay wadanka Afghanistan kadib ka bixitaanka Mareykanka.

Xukuumadda Berlin ayaa ka carootay in madaxa siyaasadda Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar lagu geeyay magaaladda Kandahar diyaarad militeriga Qatar leeyahay [Qatari Air Force], isagoo kasoo duulay Doha.

Qatari Air Force oo Mareykanka uu sameeyay ayaa sidoo kale u daabushay Kandahar hogaamiyeyaal sare oo Taliban katirsan, kuwaasoo ku kulmay Todobaadkan Kandahar, iyagoo ka tashanayay mustaqbalka Afghanistan.

Kandahar waa magaaladii lagu aas-aasay Taliban Sep. 1994, waxaana kulankii ka dhacay lagu go'aamiyay dowladda cusub ee Kooxda ka dhisayso Afghanistan.

Jarmalka ayaa ahaa dalka 3aad ee Ciidanka ugu badan ugu yaboogay howlgalka NATO ee Afghanistan, wuxuuna kala soo laabtay jab iyo guul-daro, si lamid ah Ciidamada caalamiga ee Mareykanka uu horkacyay.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in Qatar taageeradeeda Taliban ay mustaqbalka dhibaato ku noqon karto amaanka caalamka, maadaama Kooxda taariikhdeeda hore la ogyahay inay ahayd mid mugdi ah, oo marti-gelisay Al-Qaacida oo ka dambeysay qaraxyadii Mareykanka 2001.

Inkastoo amaan ka heshay Mareykanka, haddana Qatar waxay luminaysaa saaxiibo badan sababtoo ah xiriirkeeda Taliban, oo loo arko mid dano gaar ah Doha ka leedahay.

Mudo ku dhaw 10 sano, Qatar ayaa marti-gelinaysay Taliban, oo Xafiis siyaasadeed ku leh Doha.

June 2017, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyagoo markaas ku eedeeyay inay taageerto kooxaha argagaxisadda caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM