Haweenay dil ka geystay rabtay Soomaaliya oo la maxkamadeynayo

Image

BERLIN, Soomaaliya – Haweenay kasoo jeeda Soomaaliya balse aan la shaacin magaceeda ayaa lagu wadaa in 21-ka bishaan August ay kasoo muuqato maxkamad ku taala magaalada Detmold ee waqoyga Jarmalka.

Afhayeen u hadlay xeer-beegtadda Germany ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in dhageysigaas uu yahay fadhigii ugu horeeyay maxkamadeynta.

Xeer-ilaalinta ayaa ku eedeysay haweenayda in ay gudaha Soomaaliya ku sameysay isku day dil bishii June sanadkii 2013-kii markii ay kufsadeen laba rag ah, kuwaas oo midkood ay Tuurey kaga muday dhabarka.

Sidda ay tabisay warbaahinta, dacwadan ayaa ku saleysan wareysiyo lala yeeshay haweenayda markii ay codsaneysay magan-galyada Germany Maaj, 2017-kii; waqtigaas oo ay wehliyeen caruur ay dhashay.

"Soomaaliya ayay kasoo carartay iyaddoo ka baqeysa in la maxkamadeeyo. Jarmalka wuxuu kiiska u furan maadaama uu dambi ka yahay dalkaas. Balse, uma gudbin karo sababtoo ah xukunka dilka toogashada ee halkaas ka jira," ayay ku warantay wakaaladda wararka Jarmalka ee DPA.

War-saxaafadeedka lagu muddeeyay maxkamadeynta ayaa lagu caddeeyay in uu dhaawac soo gaarey mid kamid ah raggii isku dayey in ay faroxumeeyaan haweenka markii ay ku kadiyeen meel mugdi ah.

Germany waa mid kamida dalalka soo dhaweeya muhaajiriinta Soomaalida. Sidda ku xusan tirokoob la sameeyay 2016, qaxootiga Soomaaliyeed wadankaas ku nool waa 34-kun oo 9-kun kamida ay muwaadiniin yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM