Jarmalka oo qorshaynaya inuu ciidamo keeno Biyaha Somalia
Barlamanka waddanka Jarmalka, ayaa ansixiyay qorshe ciidamadooda millateriga uga howlgalayaan dalalka Somalia iyo Mali gaar ahaan xeebaha sida uu sheegay afhayeen dalkaasi u hadlay.
Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa lagu daabacay hindisahan cusub iyadoo la sheegay in ciidamadaasi hoos imaan doonaan Midowga Yurub "EU"oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad sanadka 2017.
"Baarlamaanka dalka ayaa go'aansaday inuu dheereeyo mudada Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahaya biyaha badda ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale la taageerayo waddanka Mali," Sidaasi waxaa yiri Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawladda Jermalka.
Arrintan oo Barlamanku ansixiyay shalay oo Arbaco ahayd, wuxuu kusoo beegmay xilli badda Somalia ku sugnaayeen ciidamo Jarmalka kasocda kuwaasi oo ilaaliya maraakiibta gacansi, waxayna joogeen ilaa 2008-dii.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia, waxaana arrinta kusoo beegmaysa xilli biyaha Somalia joogaan ciidamo kasocda NATO.
GAROWEONLINE