Jejniya: Wiilka Madaxweynaha oo dilay nin gubay kitaabka Qur’aanka

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Jejniya Ramzan Kadyrov ayaa sheegay in wiilkiisa Adam uu garaacay ninkii lagu eedeeyay in uu ku gubay Qur’aanka gudaha dalka Ruushka, isagoo ku sifeeyay hab-dhaqanka wiilkiisa mid “sax ah”.

Kadyrov ayaa ku soo qoray aaladda Telegram. "Sidoo kale, waxaan aaminsanahay in qof kasta oo ku xad-gudba kitaab diini ah lagu xukumo ciqaab adag.”

19-kii May, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay nin ku gubaya kitaabka Qur’aanka afeefka hore ee masjidka weyn ee magaalada Volgograd ee dalka Ruushka.

Sida laga soo xigtay hay'adda "TASS", dambiilaha ayaa si degdeg ah loo xiray maalintii xigtay, waxaana la ogaaday inuu yahay qof deegaanka ah oo qirtay intii lagu jiray su'aalaha in uu falkaas ku sameeyay amarrada sirdoonka Ukraine isaga oo ka qaatay 10 kun oo Rubles.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM