Joe Biden oo ku baaqay is-dejin qaran kadib guushii doorashada ee Donald Trump

Image

Washington, USA – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in dalka uu “dejiyo xaaladda” iyadoo uu markii ugu horreysay ka hadlay kadib guushii doorashada ee uu ku guuleystay Donald Trump, taasoo u horseedaysa inuu dib ugu laabto Aqalka Cad.

Isagoo ka hadlaya beerta Rose Garden ee Aqalka Cad, Madaxweyne Biden ayaa tilmaamay in xilliga doorashooyinka  dadka qaar u tahay guul halka kuwa kale u tahay guuldarro. “Marar badan ayaan sheegay, ma jeclaan kartid dalkaaga oo keliya marka aad guulaysato, sidoo kale laguma jeclaado deriskaaga oo keliya marka aad isku aragti tihiin,” ayuu yiri Biden, isagoo xusuusinaya bulshada muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada noolaanshaha.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuu la hadlay Donald Trump oo uu kala hadlay sidii loo sugi lahaa habsami u socodka xil la wareegidda si nabad ah. Wuxuu intaa ku daray in “dadka u codeeyeen si nabad ah una dooran karaan hoggaamiyeyaashooda,” taasoo uu ku tilmaamay astaanta dimuqraadiyadda Mareykanka. “Rabitaanka shacabka ayaa ka sarreeya rabitaanka qof,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Biden ayaa ku adkeystay kalsoonida lagu qabi karo nidaamka doorashada Mareykanka, isagoo sheegay in ay tahay mid daacad ah, caddaalad ah oo hufan. “Doorashadu waa la aamini karaa, guulayso ama ha guuldarreyso,” ayuu xusay, isagoo dadka ku boorinaya in ay ixtiraamaan natiijada.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Kamala Harris ayaa sidoo kale la hadashay Trump, iyadoo hambalyo u dirtay kadib markii ay ogolaatay natiijada. Kamala oo ka hadlaysay magaalada Washington DC ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay ololihii ay gashay, balse ay muhiim tahay in la aqbalo natiijada.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa ku guuleystay cododkii loo baahnaa ee Guddiga Doorashada (Electoral College), isagoo helay ugu yaraan 270 oo ay ku jiraan gobolladii muhiimka ahaa ee ay ka mid yihiin North Carolina, Georgia, Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin. Waxaa lagu soo warramayaa inuu hoggaaminayo sidoo kale Arizona iyo Nevada, sida ay baahisay NBC News oo ah warbaahinta Sky News ee Mareykanka.

Iyadoo ay da’diisu tahay 78 sano, Madaxweyne la doortay Donald Trump ayaa ka gaabsaday inuu hadal ka jeediyo goob fagaare ah tan iyo khudbaddii uu ka jeediyay Florida, halkaas oo uu taageerayaashiisa ugu dhawaaqay guushiisa.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Maxay Tahay Sababta Israa’iil iyo Iiraan uga Baqayaan Dagaal Toos ah?

Julien Barnes-Dacey, agaasimaha Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Xiriirka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:41PM

ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:14PM