John Kerry oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Xog-hayaha Arimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa bilaabay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe, si uu madaxda Carabta ugala hadlo qaabka loo wajahayo Ururka ISIS oo Maraykanku uu horay u shaaciyey inuu gobolka iyo caalamka oo dhan khatar ku yahay.

Kerry oo safarkiisa ka bilaabay dalka Urdun, wuxuu booqashadiisa labaad ku tegey magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq, halkaasoo uu kula kulmay ra'iisul wasaaraha cusub ee Ciraaq Xaydar Al-cabbaadi.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arimo badan, waxaase ugu muhiimsanaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda ISIS oo iyadu xilligan gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq wuxuu codsaday in beesha caalamku xukuumaddiisa ka taageerto sidiii loo wiiqi lahaa awoodda kooxdan mayalka adag oo sida uu tilmaamay khatar ku ah jiritaanka dalka Ciraaq.

"beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo Maraykankaba waxaaa xil ka saaran yahay sidii dhibaatada IS si dhaqso ah loogu joojin lahaa..." Xaydar Al-cabbaadi ayaa yiri.

John Kerry ayaa isna dhankiisa ku boorriyey Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq inuu dib u habayn ku sameeyo dowladda, ayna noqoto mid dhammaan dadka reer Ciraaq u dhan yihiin iyo weliba inuu dejiyo qorshe cad oo lagula dagaallamayo dagaalyahanada Daacish.

"Dowladda Ciraaq waa inay iskaashi xooggan la samaysataa dowladaha ay deriska yihiin iyo xulufadeeda...si loo wajaho kooxaha argagixisada..." John Kerry.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo gelinka dambe ee maanta khudbad xasaasi ah jeedin doona, waxaa arrimaha uu khudbaddiisa kusoo qaadi doono kamid ah Ururka IS iyo waxa uga qorshaysan Maraykanka.

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM