Jordan oo mamnuucdey faafinta wararka khilaafka boqortooyada

Image

AMMAAN, Jordan - Jordan ayaa mamnuucday wararka ku saabsan shirqool la sheegay in lagu khalkhal galinayo xasilloonida waddanka, oo la wariyey inuu ku lug leeyahay amiirkii hore ee dhaxal-sugaha ahaa Hamzah bin Hussein.

Xeer ilaaliyaha guud wuxuu sheegay in xayiraada ay qeyb ka tahay shabakadaha baraha bulshada.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dowladda ayaa waxay ku eedeysay Amiir Hamzah, oo 41 jir ah in afgembi uu maleegayay boqortooyadda.

Faahfaahinta hadda soo baxday ayaa muujinaysa is-maan-dhaaf cad oo u dhexeeyay amiirka iyo taliyaha ciidanka milatariga oo ku saabsan xaddidaadda xorriyadda amiirka.

Amiir Xamzah wuu beeniyey eedaynta shirqoolka, laakiin si loo yareeyo xiisadda, gelinkii dambe ee Isniinta ayuu amiirku saxiixay warqad uu ku xaqiijinayo inuu daacad u yahay Boqorka Jordan boqor Cabadallaha labaad.

Warqadda, oo ay sii deysay qasriga, Amiir Xamza waxaa laga soo xigtay inuu yiri: "Waxaan isku dhiibayaa gacanta sharafta badan ee boqorka ... waxaan ku sii adkaan doonaa ku dhaqanka dastuurka boqortooyada qaaliga ah ee Hashemite ee Urdun."

Khilaafka soo-shaac-baxay ee u dhexeeyay Amiir Xamzah iyo Boqor Cabdalla waa mid aan horay loo arag. Si kastaba ha noqotee, xiisadaha ka dhex aloosan qoyska boqortooyada, ayaa lagu soo waramayaa inay in muddo ahba jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM