Jordan oo mamnuucdey faafinta wararka khilaafka boqortooyada

Image

AMMAAN, Jordan - Jordan ayaa mamnuucday wararka ku saabsan shirqool la sheegay in lagu khalkhal galinayo xasilloonida waddanka, oo la wariyey inuu ku lug leeyahay amiirkii hore ee dhaxal-sugaha ahaa Hamzah bin Hussein.

Xeer ilaaliyaha guud wuxuu sheegay in xayiraada ay qeyb ka tahay shabakadaha baraha bulshada.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dowladda ayaa waxay ku eedeysay Amiir Hamzah, oo 41 jir ah in afgembi uu maleegayay boqortooyadda.

Faahfaahinta hadda soo baxday ayaa muujinaysa is-maan-dhaaf cad oo u dhexeeyay amiirka iyo taliyaha ciidanka milatariga oo ku saabsan xaddidaadda xorriyadda amiirka.

Amiir Xamzah wuu beeniyey eedaynta shirqoolka, laakiin si loo yareeyo xiisadda, gelinkii dambe ee Isniinta ayuu amiirku saxiixay warqad uu ku xaqiijinayo inuu daacad u yahay Boqorka Jordan boqor Cabadallaha labaad.

Warqadda, oo ay sii deysay qasriga, Amiir Xamza waxaa laga soo xigtay inuu yiri: "Waxaan isku dhiibayaa gacanta sharafta badan ee boqorka ... waxaan ku sii adkaan doonaa ku dhaqanka dastuurka boqortooyada qaaliga ah ee Hashemite ee Urdun."

Khilaafka soo-shaac-baxay ee u dhexeeyay Amiir Xamzah iyo Boqor Cabdalla waa mid aan horay loo arag. Si kastaba ha noqotee, xiisadaha ka dhex aloosan qoyska boqortooyada, ayaa lagu soo waramayaa inay in muddo ahba jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska.

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 08:01AM

Xisbiga Liberal ee Mark Carney oo Doorashadii Kanada Guul Ka Gaaray

Saadaasha guusha ayaa timid wax yar kadib markii la xidhay goobaha codbixinta ee dalka…

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 03:45AM