Kaaliyaha duuliyaha oo la sheegay inuu ridey diyaaraddii Germanwings

Image
Image

March 26, 2015 (GO)-  Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa shil diyaaradeed oo saddex maalmood kahor ka dhacay buuraha Alps e dalka France.

Shilkaas oo 150 qof ku dhinteen ayaa wararka hordhaca ah ee laga helayaa waxay sheegayaan inuu ahaa mid u dhacey si kas ah, waxaana mas'uuliyaddiisa dusha loo saarey kaaliyihii duuliyaha.

Codad uu duubay qalabka kaydiya xogta duulimaad ee diyaaradda ayaa laga maqley duuliyaha oo gargaraacaya albaabka shirka diyaaradda , kana codsanaya kaaliyihiisa inuu ka furo.

Xogtan oo ah mid hordhac waxay muujineysaa in kaaliyuhu albaabka xirtey waxyar kadib markii duuliyaha koowaad goobta diyaaradda laga wado ka  baxey.

Khubarada baareysa shilkan ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta ku kalliftey kaaliyaha inuu falkan ku kaco.

Diyaaradda burburtey oo ay leedahay shirkadda Germanwings waxay kasoo duushey magaalada Barcelona ee dalka Spain iyadoo kusii jeeddey magaalada Dusseldorf ee dalka Germany. 

Shilalka diyaaradaha ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey kusooo badanayey dunida, waxaana xusid mudan in saddex shil oo dhacay intii u dhexeysey 2013 ilaa 2014 ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM