Kabul: hoteel dad ajaanib u badani ku sugnaayeen oo la weeraray

Image

May 14, 2015 (GO)- Booliska dalka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof  ku geeriyoodeen weerar lagu soo qaadey hoteel ay ku sugnaayeen dad ajaanib u badan oo ku yaalla caasimadda Kabul.

Labo nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandoorriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa xoog ku galay hoteelka Palace Park Hotel oo xilligaas xafladi ka socotey, waxayna toogasho ku dileen qaar kamid ah ilaaladii iyo dadkii hoteelka deggenaa.

Is-rasaaseyn socotey muddo shan saac ah ayaa shex martey booliska sida gaarka ah u tababaran ee Afghanistan iyo dableydii weerarka soo qaaddey. Booliska ayaa markii dambe ku guuleystey inay xaaladda gacanta ku dhigaan kadib markii labadii nin ee weerarka soo qaadey ay is qarxiyeenn.

Af-hayeen u hadashay safaradda Maraykanka ee Kabul ayaa sheegtay in dadka weerarkaas lagu diley uu kamid ahaa qof haysta dhalashada Maraykanka.

Sidoo kale safaaradda India af-hayeen u hadlay ayaa sheegay in dadka weerarka khasaaruhu kasoo gaarey ay ku jireen qaar u dhashay India.

Mas'uuliyadda weerarka ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, haseyeeshee ururka Taliban ayaa caan ku ah weerarrada uu la beegsado xarumaha dowladda Afghanistan iyo goobaha ay isugu yimaadaan ajaanibta u badan reer galbeedku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM