Kampala: dacwad oogihii 13-ka eedaysane ee Al-shabaab oo la diley

Image

March 31, 2015 (GO)- Joan Kagezi oo ahayd dacwad oogaha kiis ka dhan ah 13 qof oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab qaybna ka qaateen weerarradii Kampala ka dhacay sanadkii 2010 ayaa xalay toogasho lagu diley.

Joan KageziAf-hayeenka booliska Uganda Patrick Onyango ayaa sheegay in haweenaydaas ay toogteen labo nin oo mooto (dhug-dhugley) watey xilli ay ku sugneyd meel u dhow gurigeeda oo magaalada Kampala ku yaal.

Boolisku waxay sheegeen inay baaritaan wadaan, islamarkaana ku raad joogaan dad laga shekiyey.

Haweenaydan ayaa sidoo kale ahayd madaxa waaxda la-dagaalanka argagixisada ee xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Uganda.

Dilka Joan Kagezi ayaa kusoo aadaya maalmo kaddib markii safaaradaha Maraykanka iyo Britain ee dalka Uganda ka digeen weerarro argagixiso oo ay suurogal tahay inay ka dhacaan Kampala, kuwaasoo bartilmaameedkoodu yahay dadka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka.

GAROWE ONINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM