Kanaalka Donald Trump ee barta YouTube oo laga qaadey xayiraada

Image
Barta madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa la xiray kadib weerarkii 6-dii Janaayo ee Aqalka Capitol-ka.

WASHINGTON, USA - Youtube-ka ayaa Jimcihii qaaday xayiraadii saarneyd akoonka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasoo la hakiyay labo sano ka hor ka dib weerarkii 6-dii Janaayo ee Aqalka Capitol-ka.

"Waxaan si taxadar leh u qiimeynay khatarta sii socota ee rabshadaha dhabta ah ee aduunka, anagoo isku dheellitirnay fursada codbixiyeyaashu inay si isku mid ah u maqlaan musharixiinta waaweyn ee qaranka inta lagu jiro doorashada," ayay shirkadda YouTube ku tiri bayaan.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah loo diray warbaahinta ayaa intaas ku daray: "Kanalkani wuxuu sii ahaan doonaa inuu u hoggaansamo siyaasadahayaga, sida kanaalka kale ee YouTube".

Youtube ayaa ka mid ahaa baraha bulshada ee hakiyay akoonnada Trump kadib rabshadihii dhimashada dhaliyey ee 6-dii Jannaayo 2021, iyaga oo sheegay in kanaalka Trump uu "ku xad-gudbay" siyaasadahooda.

Shirkadaha Facebook iyo Twitter ayaa horay u soo celiyay akoonnada madaxweynihii hore. Hase ahaatee, Twitter-ka ayaa soo celiyey ciwaanka Trump wallow Facebook ay sheegtey in ay ka baaraan-dageyso soo afjarida xayiraada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM