Kaneeco Lagu Arkay Iceland Markii Ugu Horraysay Kaddib Kulayl Xad-dhaaf ah oo Dalkaasi Ku Dhuftay

Image

Reykjavík, Iceland – Dalka Iceland oo horey loogu yaqaanay mid ka mid ah meelaha adduunka ee aan kaneeco lahayn, ayaa markii ugu horreysay lagu arkay kaneeco nool, sida ay shaaciyeen warbaahinta maxalliga ah.

Nin danaynaya cayayaanka, Bjorn Hjaltason, ayaa sheegay inuu si lama filaan ah u arkay kaneecada habeenno dhowr ah toddobaadkii hore, isaga oo adeegsanayay xarig khamri lagu qoyay si uu u soo jiito balanbalada.

Hjaltason wuxuu helay saddex kaneeco, labo dhedig ah iyo mid lab ah, kuwaas oo cilmi-baarayaashu markii dambe xaqiijiyeen in ay yihiin nooca Culiseta annulata – mid ka mid ah noocyada yar ee kaneecada ee adkeysan kara xilliga qaboobaha daran.

Iceland waxay ka mid ahayd laba dal oo kali ah oo caalamka laga diiwaangeliyay in aysan lahayn kaneeco, sababta ugu weynna waxaa loo aaneynayay cimilo aad u qabow oo aan u saamaxaynin kaneecada inay noolaato. Meesha kaliya ee kale ee aan kaneeco laga helin ayaa weli ah Antarctica.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada, gaar ahaan kulaylka xad-dhaafka ah ee la diiwaangeliyay xagaagan, uu sababay xaalado u saamaxay kaneecada in ay dalka ku noolaato.

Khabiirada deegaanka ayaa hadda bilaabay baaritaan ballaaran si loo ogaado in kaneecadani tahay dhacdo gaar ah oo ku-meel-gaar ah ama ay muujinayso isbeddel joogto ah oo ku yimaada deegaanka Iceland.
 
 GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM