Kazakhstan: Dadka ku dhintay burburka diyaarad milatari

Image

NUR-SULTAN, Kazakhstan – Afar qof ayaa dhimatay labo kalena waa ay dhaawacmeen markii diyaarad militari ay burburtay xilli ay isku dayeysay in ay ku degto magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty, sida ay saraakiil sheegeen.

"Sida ku xusan xogta hordhaca ah, afar qof ayaa dhimatay, laba kalena waxaa loola cararay isbitaalka ugu dhow," ayaa lagu yiri bayaan ay Sabtida maanta ah soo saartay wasaaradda xaaladaha degdegga ah.

Illaa haatan, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay shilka diyaaradeed. Qoraalka wasaaradda laguma caddeyn hadii baaritaan la sameyn doono.

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Almaty iyadoo ka soo kicitintay magaalada caasimada ah ee Nur-Sultan, sidda ay sheegtay wasaarada wadankaasi ku yaala bartamaha qaaradda Aasiya.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa soo warisay in diyaaradda uu lahaa guddiga amniga qaranka ee Kazakhstan, kaasoo bedelay hay’addii sirdoonka Soofiyeeti ee KGB kaasoo maamulayey howlaha xuduudaha dalkaas.

Bishii Diseembar 2019, tobanaan ka mid ah ku dhowaad boqol qof oo rakaab ah ayaa ku dhintey shil diyaaradeed oo ka dhacay isla garoonkaas diyaaradeed.

Shirkadda diyaaradaha ee Bek Air oo duulimaadka waday ayaan tan iyo wixii ka dambeeyay dhacdadaas ka sameyn duulimaad, iyaddoo sanadkii hore lagala noqday ruqsad taasoo ku qasabtay in si guud ay shaqada joojiyaan diyaaradaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM