Kazakhstan oo xabsiga dhigtay madaxii hore ee amniga

Image

Kazakhstan - Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Kazakhstan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay qiyaano qaran iyada oo shaqada laga eryay xilli ay socdeen dibadbaxyo rabshado wata.

Guddiga Amniga Qaranka, ama KNB, ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo sabti ah ku sheegay in madaxii hore ee Karim Masimov la xiray Khamiistii ka dib markii ay bilaabeen baaritaan ku saabsan eedeymaha khiyaano qaran. Sarkaalkaan waxa ay isku dhow yihiin madaxwaynihii aasaasay Kazakhstan Nursultan Nazarbayev.

"6-dii Janaayo ee sanadkan Guddiga Amniga Qaranka ayaa bilaabay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan khiyaano qaran," ayaa lagu yiri qoraalka oo la raaciyay “ iyada oo looga shakisan yahay inuu galay dambigan, madaxii hore ee KNB KK Masimov waa la xiray waxaana lagu hayaa xarun KMG, isaga iyo kuwa kale."

Tobannaan qof ayaa ku dhintay, dhismayaal dadweyne oo ku yaalla dalka Kazakhstan ayaa la dhacay ka dibna la gubay inta ay socdeen rabshadihii ugu xumaa ee soo mara jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka muddo 30 sano ah oo ay xornimada haysatay.

Ciidamada ammaanka ayaa dib u qabsaday waddooyinka magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty Jimcihii ka dib maalmo rabshado ah. Madaxweynaha uu Ruushka taageero Kassym-Jomart Tokayev ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay " toogtaan kuwa rabshadaha wadi" si ay u dejiyaan kacdoonka dalka oo dhan ka socda.

Maalin ka dib markii Moscow ay u dirtay ciidamo gacan ka geysta joojinta mudaaharaadyada, booliiska ayaa gaaf wareegayay waddooyinka burburay ee Almaty Jimcihii, inkastoo rasaasta meelaga qaar weli la maqlayo.

Mudaaharaadyadu waxay ku bilowdeen jawaab celin ku saabsan kororka qiimaha shidaalka, laakiin waxaa ku biiray dhaqdhaqaaq ballaaran oo ka dhan ah dowladda iyo Nazarbayev, oo ah 81-jirka ugu muddada dheer xukunka dowlad kasta oo Soviet-ka soo jirtay ilaa uu xilka ku wareejiyo madaxweynaha hada Tokayev sanadkii 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM