Kenya: 36 qof oo lagu diley weerar kale oo saaka ka dhacay Mandera

Image

December 2, 2014 (GO)- Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu diley weerar goor oo hore oo saaka ah (Talaado) lagu qaaday goob dhagaxa laga jebiyo oo ku taalla duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dabley hubeysan ayaa soo weerartay goobta kuwaasoo shaqaalihii halkaas ka hawlgelayey u kala qaybiyey Muslimiin iyo kuwo aan Muslim ahayn kadibna toogasho ku diley 36 qof oo ay xaqiiqsadeen inaysan Muslim ahayn.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii meel 30km oo keliya u jirta goobta saaka 36da qof lagu diley uu ka dhacay weerar kale oo lagu laayey 28 qof oo gaari bas ah lagala degey una badnaa macalimiin iyo shaqaale caafimaad.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo weerarka saaka dhacay saraakiisha laamaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka ee Kenyana weli wax war ah kama soo saarin.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

Kenya ayaa soo gelitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda. 

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM