Kenya: Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarka Jaamacadda

Image

April 2, 2015 (GO)- Uruka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka goor hore ee saaka ah lagula wareegey dhismaha jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Af-hayeenka guud ee Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in kooxda weerartey Jaamacadda Gaarisa ay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Cali Dheere wuxuu sidoo kale sheegay in raggaasi dhammaantood bed qabaan islamarkaana ku guuleysteen hawlgalkii loo direy, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa shaacisey in khasaaraha weerarku marayo ilaa iyo hadda 65 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa weli jirta gudaha jaamacadda, waxayna haystaan tobannaan qof oo ardey u badan iyo qaar kamid ah macallimiintii jaamacaddaas wax ka dhigayey.

Ciidamada militeriga ayaa ku hareeraysan goobta, waxaana ilaa hadda la maqalayaa rasaas goos goos ah.

September 2013, weerar noocan oo kale ahaa oo Al-shabaab ka fulisey suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad toddobaatan qof oo badankoodu rayid ahaayeen.

Weerarro kale oo Al-shabaab xilligaas kaddib ka fulisey gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto, waxaa ku dhintey ku dhowaad boqol qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM