Kenya: gabar 48 saac ku dhuumaneysey Jaamacadda oo la helay

Image

April 5, 2015 (GO)- Gabar ka badbaadey weerarkii Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa, taasoo muddo 48 saac ka badan ku dhex dhuumaneysey dhismaha jaamacadda ayaa lasoo badbaadiyey maanta.

Cynthia Cheroitich oo 19 sano jir ah ayaa usheegtay wakaaladda wrarka ee AP inay armaajo ku dhuumatey kadibna dusha dhar iska saartay.

Shoog ayey qaadey waxayna markii cidamada ammaanku u sheegeen inay soo baxdo diidey inay armaajada kasoo baxdo.

" maxaan ku xaqiijinayaa inaad tihiin ciidamada Kenya?" ayey tiri waxayse soo baxdey markii loo keenay mid kamid ah macallimiinteeda oo ku qanciyey inay bannaanka usoo baxdo.

Xaaladdeeda caafimaad way wanaagsaneyd marka laga reebo daal badan oo ka muuqdey iyo inay harraadaneyd.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM