Kenya oo ciidamo dheeraad ah u dirtey Somalia

Image

NAIROBI: Dowlada Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtey gudaha dalka Somalia kuwasoo baadigoobaya askar iyo qalab lagaga qabsadey dagaalkii ururka Al-shabaab ku qadeen xero ay ka daganaayeen degaanka Ceelcad gobolka Gedo Somalia15 Jan,2016 , sidaas waxaa sheegey sarkaal u hadlay taliska guud ee KDF 'Ciidamada dalka Kenya" General Samson Mwathethe.

Wajibaadka ciidankaan haysto ayaa ah iney burburiyaan xoogaga Al-shabaab ee saldhigyada ku leh degaankaas islamrkaana dib u soo celiyaan qalabka lagaga qabsadey weerarkii Ceelcad asbuucii lasoo dhaafey.

"Waxaa la direy ciidamo si gaar ah u tababaran kuwasoo loo tababarey iney adkaadaan dagaalka dhulka, waxeyna ku wajahan yihiin degaanka Ceelcad  Somalia si ay u xoojiyaan ciidamo halkaas hadda kula dagaalamaya kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaaleysta gobolka Gedo halka diyaardaha qumaatiga u kaca duqeynayaan maleeshiyaadka ku sugan Gedo iyo Bay" sidaas waxaa saxaafada u sheegey General Mwathethe.

Xog laga heley ciidamada Kenya ayaa sheegeysa in ururka al-shabaab weeraradaan kala kulmey khasaaro badan kadib markii duqeymo u gaysteen diyaardaha noocoodu yahay F-5 iyo Z-9 oo ka tirsan guutada 50aad ee cirka kuwasoo bar-tilmaameedsadey 5 saldhig oo Al-shabaab ku leedahay degaanka Ceelcade gobolka Gedo.

Wararkaan ayaa soo baxaya labo maalmood kadib markii saxaafada loo sheegey in duqeymo cirka ah lagu diley taliyihii hogaaminayey xogaga Al-shabaab oo weerarey xerada ciidamada Kenya oo ku taaley degaanka Ceelcad 15 Jan, 2016.

General General Samson Mwathethe ayaa waydiisatey beesha caalamka iney tageeraan ciidamada Kenya 'KDF' iyo Amisom isaga oo xusey in nabad lagu dabaalaa Somalia lamid tahay caalamka oo xasilooni heley.

Warsaxafdeedka dowlada Kenya kasoo baxey ayaa imaanaya xilli dadka ku nool degaanada weerarkaan ku wajahan yahay bilaabeen iney guryahooda ka qaxaan iyadoo laga soo sheegayo in xaalad adag halkaas ka jirto.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Iran oo Maraykanka ku Eedeysay Fashilka Wadahadalladii Pakistan

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in Iiraan ay farriimo qoraal ah u dirtay Maraykanka iyada oo sii marsiisay Pakistan.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 12:54PM

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM