Kenya oo diiday dacwadda Badda ee Somalia

Image

08 Octobar, 2015(GO)-War ka soo baxay dalka Kenya ayaa lagu sheegay inaysan jirin sabab Somalia dacwada uga gudbiso Baddeeda, maadama horay loo kala saxiixday hishiis 2009-kii.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwadan in ay tahay mid aan sharci aheyn.

Muigai, waxa kale oo uu tilmaamay in tallaabada ay qaadday Somalia muujineyso sida ay ugu abaal dhaceyso Kenya, oo uu sheegay in muddo 25 sano ah ay dalkeeda kusoo dhoweeneysay qaxootiga, hadana u soo dirtay ciidamo ka qayb qaata sugidda amniga.

Xeer illaaliyaha Kenya wuxuu sheegay inuu jiray heshiis labada dal horey u dhexmaray kaas oo dhigayey in arrinta khilaafka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn.

Wuxuu xusay in haddii murankani la geeyo maxkamada ay noqoneyso in Somalia si cad u jabisay heshiiskii ka dhaxeeyey labada dhinac.

Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay khilaafkan inay dhexdooda xal ka gaari waayeen sidaa darteed ay doonayaan inay kala saarto maxkamadda ICJ.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM