Kenya oo raadinaysa 11 ruux damacsan weeraro argagixiso

Image

19 December, 2015(GO)-Saraakiisha amniga dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada 11 ruux katirsan ururka Al-Shabaab kuwaasi oo ku tuhmayaan inay damacsanyihiin weeraro ka dhaci doona gudaha dalkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay shakhsiyaadkan oo dhammaantood rag ah inay yihiin khatar xoog leh isla markaana hubaysan, waxayna shacabka ka codsadeen inay soo ogaysiiyaan hadii ay hayaan xog ku aaddan dadkan iyo goobaha ku suganyihiin.

11-ka qof ayaa sidoo kale lala xiriiriyay inay qayb ka ahaayeen koox deegaanka Mpeketoni ku dishay 60 ruux.

Wargays ka soo baxay Kenya gaar ahaan Nairobi oo lagu magacaabo The Star ayaa shaaciyay weeraradan isagoo soo xiganaya laamaha ammaanka dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in la qorsheeyay dhammaadka sannadkan xilligaas oo ku beegan dabaal dagga Kirismaska.

Wuxuu sidoo kale qoray in kooxdan weeraro argagixiso damacsanyihiin horaanta sannadka cusub.

Kenya ayaa ku jirta heeggan kaga hortagayso weeraro qorshaysan uga yimaada kooxda Al-Shabaab oo muddoyinkii dambe dilal iyo dagaallo qorshaysan ka sameeynaysay dalkaasi, tan iyo markii ciidamadeedu soo galeen Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM