Kenya oo shaacisay shakhsiyaad weeraro damacsan

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Laamaha amniga Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan qof ay ku tuhmayaan inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

5-ta qof ayaa la tuhunsanyahay inay ku suganyihiin saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin dalka Somalia, waxayna qorsheynayaa weeraro ka dhacay dalkaasi sida ay sheegeen laamaha ammaanka Kenya.

Dadku la faafiyay, waxaa ku jiray haweenay,halka afarta kale yihiin Rag.

Ururka Al-Shabaab ayaa kenya horay uga gaystey weeraro iyo afduub, waxaana u dambeeyay macalimad laga kaxaystay xerada qaxootiga Xagardheer.

Dowladda Kenya ayaa ku jirta feejignaan xoogan oo ay kaga hortagayso weeraro ka dhaca dalkeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM