Kenya oo xabsiga dhigtay dhakhtar Al-Shabaab looga shakiyay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada Booliska magaalada Marsabit ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay dhakhtar  lagu tuhunsan yahay inuu xubin ka yahay xoogaga  Al-shabaab ee Somalia, laguna magacaabo Yaqub Cabdi Cumar oo 29-jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia.

Dhakhtarka xiritaankiisan ayaa ka dambeysay kadib markii uu booqday isbitaalka ku yaalla Marsabit County Referral, isagoo la socdaan koox dhalinyaro ah oo laga shaki qabo inay ka tirsan yihiin kooxda  Al-shabaab.

Bernard Barasa  oo ah madax barista  danbiyada dagmadda Mersabet ayaa tilmaamay inay raadinayaan saddex ruux oo kale, kuwaas oo  dhakhtarkan ku weheliyay booqashadiisa.

Mr Barasa waxa uu xusay in shakhsigani uu degen yahay magalada Nairobi dhowaanna ku soo laabtay Marsabit si waalidkiis u soo booqdo, isagoona sheegay kooxdaasi isaga la socotay inay weydiiyeen hooyooyinka ku umulay Isbitaalka magacyada u bixinayaan carruurtooda.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay u ballanqaadeen waalidiinta inay ku soo laaban doonaan oo hadiyado u keenayaan kahor inta aysan qeybta bukaanka ragga u gudbin.

Xogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dalkaasi ka gaysta weeraro qorshaysan, waxaana xariga dakhtarku imaanaya xilli shalay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland soo furteen macalimad Isniintii laga afduubtay xeerada qaxootiga ee Xagardheer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM