Kenya: weerar lagu qaadey Jaamacadda Gaarisa

Image

April 2, 2015 (GO)- Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley hubeysan oo wejiga soo duubtey goor hore oo saaka ah weerar kusoo qaadeen Jaamacadda Gaarisa.

Dableyda ayaa gudaha u galay dhismaha Jaamacadda waxyar kaddib salaaddii subaxa, waxaana dhowr mar gudaha laga maqlay qaraxyo iyo rasaas fara badan.

Goob jooge ku sugan Gaarisa ayaa Garowe Onlie u sheegay in kooxda weerarka soo qaaddey oo ugu yaraan tiradoodu tahay shan nin ay gudaha ku haysteen tobaneeyo qof oo isugu jira ardey iyo macallimiin.

Ciidamada militeriga Kenya ayaa ku hareeraysan dhismaha waxaana la xirey dhammaan jidadka Jaamacadda soo gala.

Khasaare nafeed oo badan ayaa jira sida ay sheegeen qaar kamid ah ardeydii weerarkaas ka badbaadey, waxaana isbitaalka Garissa ilaa iyo hadda la gaarsiiyey dhaawaca labo qof oo midkood ardey yahay midka kalena askari.

Lama aqoonsan ilaa iyo hadda haybta kooxda weerarka ka dambeysa, balse Al-shabaab ayaa horay weerar caynkan oo kale ah uga fulisey magaalada Nairobi September 2013.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM