Kenya: xildhibaan ka tirsan barlamanka oo Nairobi lagu dhaawacey

Image

March 22, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Nairobi.

Afar nin oo wejiga soo duubtey ayaa xildhibaankaas oo lagu magacaabo Edick Anyanga lagana soo deerto deegaanka Nyatike, waxay kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaalla jidka Ngong ee degmada Karen.

Dhowr xabadood ayey madaxa iyo qaarka sare ee jirka kaga dhufteen, waxaana dhaawicisiisa la geeyey Aga Khan Hospital halkaasoo xilligan xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Ilaa iyo hadda lama aqoosan kuwa weerarka geystey, balse saraakiisha booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan dhowr qof oo laga shekiyey.

Xildhibaanka la dhaawacayey ayaa maalmihii u dambeeyey waxay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya aad u hadal haysey inuu musuq maasuq ku kacay islamarkaana laaluush ka qaatey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

February 7, 2015 ayey ahayd markii isla magaalada Nairobi lagu diley xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Kenya kaasoo lagu magacaabi jirey George Muchai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM