Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Image

TEHRAN – Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku adkeystay in Iran aysan marnaba is dhiibeyn xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal.

“Dalka Iran waa mid madax-bannaan, shacabka Iran-na waa kuwo ad-adag. Marnaba ma aqbali doono isdhiibid,” ayuu yiri Khamenei oo Trump u jawaabayay.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Trump uu ku hanjabay in Mareykanku ogyahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, isagoo ugu yeeray “bartilmaameed fudud” balse uusan hadda qorsheynin in la beegsado.

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM