Kharaashka lagu bixinayo milatariga oo gaarey heerkii ugu sareeyay abid

Image
Duullaanka uu Ruushka ku qaadey Ukraine ayaa, sidda ku cad warbixinta, sabab u ah kor-u-kaca miisaaniyadda.

DOOXA, Qadar - Kharashaadka lagu bixinayo millatariga aduunka oo dhan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid oo dhan $2.24 trillion sanadkii 2022, sidda laga soo xigtay warbixin cusub oo la daabacay Isniinta maanta ah.

Duullaanka uu Ruushka ku qaadey Ukraine ayaa, sidda ku cad warbixinta, sabab u ah kor-u-kaca miisaaniyadda ay dalalka caalamka gaar ahaan qaaradda Yurub ay ku bixinayaan dhinaca gaashaandhiga.

Machadka cilmi-baarista nabada ee Stockholm International Peace Institute (SIPRI) oo warbixinta soo saarey ayaa caddeeyay in sarre-u-kacan uu soo taxanaa in ka badan sideedii sano ee lasoo dhaafay.

"Kor u kac boqolkiiba 13 ah ayaa ka dhacay Yurub, waana kororkii ugu sarreysay ugu yaraan muddo 30 sano," ayay tiri warbixinta. "Intooda badan waxaa lala xiriiriyay Ruushka iyo Ukraine, laakiin waddamo kale ayaa sidoo kale kor u qaaday kharashaadka milatari iyaga oo ka jawaabaya hanjabaadaha Ruushka ee la dareemay".

Moscow ayaa qabsatay jasiiradda Crimean ee Ukraine 2014-kii, waxayna taageertay fallaagada gooni-u-goosadka ee bariga dalka ka hor inta aysan billaabin duullaankeeda ballaaran bishii Febraayo 2022.

"Tallaabooyinka ayaa sababay qaylo-dhaan ka timid waddamada kale ee deriska la ah Ruushka ama mar ka mid ahaa Midowgii Soofiyeeti, iyadoo kharashka Finland uu kor u kacay 36 boqolkiiba, iyo kharashka milatariga Lithuania boqolkiiba 27," ayuu xusay machadka SIPRI.

Bishii Abriil, Finland, oo xuduudda ay la wadaagto Ruushka dhererkeedu dhan yahay 1,340km (833 mayl), ayaa noqotay xubinta 31-aad ee NATO. Sweden oo 200 sano ku biirin isbahaysi milatari ayaa iyaduna doonaysa in ay ku biirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM