Khasaaraha guud ee dhul-gariirkii ku dhuftey Turkiga oo la shaaciyey

Image
n ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay dhibaatadu saameysey ayaa degan guriyo teendho ah kadib markii hoygooda waayeen.

ANKRA, Turkey - Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan wakaaladda masiibada ee qaranka Axaddii.

Dhowr waddan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan ayaa sidoo kale laga dareemay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood.

Yunus Sezer, oo ah madaxa hay'adda Maareynta Masiibooyinka iyo Degdegga ah (AFAD), ayaa sheegay in hawsha goobidda iyo samatabbixinta lagu soo gabagabeeyay ku dhawaad ​​21,000 oo dhismo, isaga oo intaa ku daray: "Waxaan hadda si buuxda diiradda u saarnay qaadista qashinka."

Tacsi ayaa ka soo yeertay caalamka oo dhan iyagoo dowladaha ay muujinayeen taageerada Turkiga, iyadoo dalal badan ay u soo direen kooxaha gurmadka iyo gargaarka.

"In ka badan 230,000 oo shaqaale ah ayaa hadda ka shaqeynaya goobaha samatabixinta," ayuu raaciyay. "Ugu yaraan 9,900 dhismeyaal ayaa ku burburay musiibadan," ayuu kusii daray.

"Waxaan u dirnaa in ka badan 10,000 oo teendho ah celcelis ahaan gobollada maalin kasta, waxaanan geynaa geesaha ugu fog. Hadda waxaan leenahay 287 magaalo teendho ah oo gobolka ah," ayuu yiri Sezer.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay dhibaatadu saameysey ayaa degan teendhooyin. 563,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay meel ka baxsan aagga musiibada. Gargaarka ayaa ah mid wali socda oo aan joogsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM