Gaarisa: khasaaraha oo maraya 65 isugu jirta dhaawac iyo dhimasho

Image

April 2, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar goor hore oo saaka ah dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin kusoo qaadeen jaamacadda Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Af-hayeen u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa u sheegay BBC-da in khasaaraha weerarku marayo ilaa iyo hadda 65 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa weli ku jirta gudaha jaamacadda, waxayna haystaan tobannaan qof oo ardey u badan iyo qaar kamid ah macallimiintii jaamacaddaas wax ka dhigayey.

Ciidamada militeriga ayaa ku hareeraysan goobta, waxaana ilaa hadda la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Qaar kamid ah ardeydii weerarka ka badbaadey ayaa warbaahinta uga sheekeeyey wixii arkeen, waxayna sheegeen in kooxda jaamacadda soo weerartey tiradoodu ahayd ugu yaraan shan nin oo si aad u hubeysan.

Ardeydu waxay sidoo kale sheegeen in dableydu dadka u kala saarayeen muslim iyo kuwo aan muslim ahayn.

Faah faahin dheeri ah kala soco Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM