Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Image
Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

DOOXA, Qadar - Wakaaladda Wararka Qaranka Lubnaan (NNA) ayaa ku warameysa in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen dooxada Beqaa ee bariga dalkaasi, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa lala beegsaday warshad ku taal magaalada Sawiri ee deegaanka Baalbek, sida ay sheegtay NNA.

Gobolka la bartilmaameedsaday oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Suuriya ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Israel iyo Hezbollah ayaa ku hawlanaa sii kordhinta weerarada maalinlaha ah ee ka dhanka ah xudduudaha tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah, taasoo keentay in Xisbullah ay weeraro gantaallo ah ku qaaddo waqooyiga Israa’iil, oo ay ku jirto deegaanka Margaliot.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM