Khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxyo gilgilay caasimadda Lubnaan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo xooggan oo ka dhacay dekadda caasimada Lebanon ee Beirut ayaa sababay burburka guryo iyo xarumo kale oo badan. Illaa haatan, lama ogga sababta dhalisay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxay xaqiijisay in boqolaal ruux ay ku dhaawacmeen dhacdadaan isla markaana tobanaan kale ay dhinteen, kuwaas oo qaarkood ku gudbtay qaraxa.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamay in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo muddo badan lagu kadinayey marsadda. Hase ahaatee, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda.

Hassan Diab, ra'iisul wasaaraha Lubnaan, ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan isla markaana ay si dhab ah u soo bandhigi doonan cidda ka dambeysa qaraxa iyo sababta keentay.

Isagoo qaraxa ku sifeeyay "musiibo," Diab ayaa xusay caasimada aysan si sahal ah uga gudbi doonin "iyaddoo aan isla xisaabtamin" isla markaana "aysan mudankooda marin kuwa ka dambeeyay".

"Hadda waxaan ahmiyadda siin doonaa daaweynta dhaawacyadda iyo tirokoobka dhimashadda," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo aanan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha.

Qaar kamid ah dowladaha caalamka oo midnimo u muujiyey shacabka Lubnaan ayaa sheegay in ay ka qeyb-qaadan doonan gurmadka deg-deg ah isla markaana ay diri doonan daawooyin iyo agab kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM