Khatarta ma dhammaan: Booliska Sweden oo sheegay in Weerar ka socdo Iskuul

Image
Image
Image

Ciidamada booliska Sweden ayaa sheegay in weerar hubeysan oo ka dhacay dugsiga ku yaalla bartamaha Örebro sababay dhaawacyada shan qof, iyagoo dadka shacabka ah lagu booriyey inay ka fogaadaan aagga maadaama hawlgallo ballaaran ay socdaan.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujiyey ciidamo boolis badan iyo ambalaasyo iyo gaadiidka degdegga ah oo ku sugan agagaarka dugsiga.

Weerarrada dugsiyada waa wax aan badnayn oo ka dhaca Sweden, iyadoo ay ka dhaceen dalka toogashooyinka iyo qaraxyada la xiriira rabshadaha gangisyada, kuwaas oo sanad walba sababaya dhimashada dad badan.

"Faahfaahinta dhaawacyada wali lama caddeyn, hawlgalku wuu socdaa," ayay boolisku ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen, iyagoo intaas ku daray in aanay jirin ciidamo boolis ah oo ku dhaawacmay hawlgalkan.

Boolisku markii hore waxay sheegeen in afar qof lagu toogtay, balse daqiiqado kadib ay warbixin cusub bixiyeen, iyadoo tirada dhaawacyadu noqotay shan qof.

Ciidamada boolisku waxay baaritaan ku sameeyeen falkaas. Dadka shacabka ah ayaa loo sheegay inay ka fogaadaan goobta ama inay gurigooda ku sugnaadaan.

Boolisku waxay sheegeen inay qaban doonaan shir jaraa’id marka uu dhamaado howlgalka. Wararka ayaa sheegaya in qofka fuliyay toogashada uu isdilay, laakiin boolisku wali ma xaqiijin arrintan.

Ardayda ku sugnaa iskuulada agagaarka iyo dugsiga la weeraray ayaa lagu xiray gudaha si loo xaqiijiyo ammaankooda, sida ay boolisku sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday wadahadal toos ah inay Mareykanka la gasho kadib Warqaddii Trump usoo diray

Dhanka kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray farriimo is khilaafsan oo ka imaanayay Iran.

  • Caalamka

    31-03-2025

  • 11:56AM

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

  • Caalamka

    30-03-2025

  • 10:15AM