Khilaaf hareeyay wadahalka Obama iyo Putin

Image

29 September, 2015(GO)-Labada hogaamiye ee dalalka Maraykanka iyo Ruushka ayaa kulan ay uga hadlayeen xaaladda dalka Suuriya ku yeeshay magalada New ee dalka Maraykanka.

Obama iyo Putin ayaa ku hishiiyay in xal siyaasadeed lagu soo afjaro colaadda dalka Suuriya, basle waxa ay ku guuldareysteen in ay ku heshiiyaan waxa uu noqonaya mustaqbalka madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Ruushka ayaa ku adkaysanaya inuu xoojinayo taageerada uu siinayo xukuumadda Asad, isla markaana uu duqayn doono goobaha ay ku suganyihiin waxa uu ugu yeeray Argagixiso.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne Putin inay ilaalin doonaan shuruucda caalamiga ah ee ku aadan duqaynta, balse aysan ku dayan doonin Maraykanka iyo xulafadiisa.

Hadal laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye isku afgarteen amar la siiyo ciidamada labada dhinac ee ku sugan Suuriya si aysan ugu dhex dagaalamin.

Dalka Maraykanka iyo Ruushka ayaa si aad ah ugu kala aragti arrinta Suuriya, waxayna dhalisay in laga dareemo khudbadihii ay ka jeediyeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM