Kiisaska Covid19 ee guud ahaan caalamka oo kor-u-dhaafay 20 milyan

Image

WASHINGTON, US – In ka badan 20 milyan kiisas oo ah musiibada Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyso xog-uruurinta Jaamacada Johns Hopkins ee wadanka Mareykanka.

Wadar ahaan xaaladaha la xiriira xanuunka ee 24-kii saac ee aynu kasoo gudubnay laga helay dunida ayaa waxay noqdeen 20,001,019.

Tiradda guud ee shaqsiyaadka u geeriyooday xanuunkaan safmareenka ah ayaa sii cagacageyneysa 733,897, halka 12,209,074 ay ka bogsadeen kadib markii ay heleen baxnaano caafimaad oo aad u wanaagsan.

Tan iyo markii uu kasoo if-baxay magaalada bartamaha Shiinaha ku taala ee Wuhan bishii December, Covid19 ayaa gaarey 188 dal.

Illaa haatan, ma jiro daawo iyo talaal rasmi ah oo loo helay fayruska, wallow ay socdaan dedaalo lagu baadigoobayo daawadiisa.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sarre u qaadey walaaca laga qabo in xanuunka uu noqdo mid caadi oo aan la ciribtirin.

Mareykanka ayaa wali hogaaminaya waddanka uu sidda ugu ba'an ugu aafay; 5,085,821 kiisas ayaa ka jira, Brazil oo kaalinta labaad ku jirta waa in ka badan saddex milyan, halka India ay ka badan tahay labba milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM