Kiiskii ugu horreeyey cudurka Ebola oo lagu arkay dalka Britain

Image

December 30, 2014 (GO)- Dowlada Britain ayaa xaqiijisey in kiiskii ugu horreeyey ee ah qof qaba cudurka Ebola lagu arkay shalay oo Isniin ahayd magaalada Glasgow ee gobolka Scotland.

Qofka bukaanka ah oo magaciisa la qariyey waa haweeney kaalkaaliso ah taasoo kasoo safartay galbeedka Afrika gaar ahaan magaalada Kerry ee dalka Sierra Leone.

Xoghayaha caafimaadka Britain Jeremy Hunt ayaa sheegtay in la karantiilay haweeneydaas lana baadi goobayo dhammaan dadkii ay xiriirka la samaysay gaar ahaan kuwii diyaarada kula soo safray.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 6,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea. Dalalka kale ee fayruska Ebola gaarey dadkana ku diley waxaa kamid ah Nigeria,Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM