Kim Jong Un: Mareykanka waa cadowgeena ugu weyn

Image

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in Mareykanka uu dalkiisa ku yahay “cadowga ugu weyn” ee haysta hubka nukliyeerka, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda dowladda Sabtidii.

"Hawlaheena siyaasadeed ee dibada waa in diirada la saaraa oo loo weeciyaa hoos u dhigida Mareykanka, cadowgeenna ugu weyn iyo caqabadda ugu weyn ee hor-istaagaysa horumarkeenna cusub," ayuu yiri Kim Jimcihii, sidda lagu sheegay warbixin ay soo saartay KCNA.

Wuxuu ku daray: "Waxba nagama gelin cidda hogaamineysa Mareykanka, dabeecadda dhabta ah ee Mareykanka iyo siyaasadaha aasaasiga ah ee ku wajahan Kuuriyada Waqooyi waligeed isma beddeli doonto".

Kim ayaa ballan-qaaday inuu ballaarinayo xiriirka uu la leeyahay dowladaha kasoo horjeeda "gumeysiga dadban," wuxuun cod dheer ku codsaday in la ballaariyo awoodaha waddankiisa ee dhanka nukliyeerka.

Baaqa ayaa yimid wax ka yar laba toddobaad ka hor caleemo saarka Joe Biden oo ah madaxweynaha Mareykanka, iyo ka dib xiriir jahwareersan oo u dhexeeyay Kim iyo Donald Trump mudadii uu xafiiska joogay.

Ma jiro wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Afhayeen u hadlay ololaha Biden ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo.

Kim iyo Trump waxay markii ugu horraysay galeen dagaal afka ah iyo hanjabaado labada dhinac ah, ka hor aflagaado diblomaasiyadeed oo aan caadi ahayn oo ay ka muuqdeen shirar madaxeed madax-bannaan iyo bayaan jacayl ah oo uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka.

In kasta oo ay yeesheen seddex kulan oo aan horay loo arag, haddana wax horumar ah oo la taaban karo lagama gaarin, iyadoo geedi socodka la xiray kadib markii kulan ka dhacay Hanoi lagu heshiin waayey qaadida cunaqabateynta iyo waxa Waqooyiga Kuuriya ay diyaar u tahay inay ku bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM